Ciidanka Booliska oo sheegay in gacanta lagu dhigay nin Xaaskiisa Muqdisho ku dilay

Ciidanka Booliska oo sheegay in gacanta lagu dhigay nin Xaaskiisa Muqdisho ku dilay

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Bashiir Cabdi Xasan, oo lagu eedeeyay in uu dilay xaaskiisii oo lagu magacaabi jirey Salaado Faarax Cali.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in hadda eedeysane Bashiir uu ku jiro gacanta Booliska, kaasi oo la sheegay in ay ku raad joogeen tan iyo markii uu dhacay falkii uu ku dilay Xaaskiisii Marxuumad Salaado Faarax Cali.

War kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu yiri”Eedeysanaha oo aan horay u baahinay in lagu magacaabo Bashiir Cali Jaamac. laakiin, aan ogaanay in magaciisa runta ah uu yahay Bashiir Cabdi Xasan, eedeysanuhu wuxuu wajahidoonaa Cadaalada, hadii alle idmo”

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanayay dilalka loo geysanayo dadka biri mageytada ah iyadoo dhowaan gabar 11 sano jir ah meydkeeda laga dhexe digsiga raashinka lagu kariyo guri ku yaal degmada Dharkeynley.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com