Dalka Talyaaniga ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Yurub markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1968 iyadoo goolhaye Gianluigi Donnarumma uu badbaadiyey labo rigoore oo England ah waxayna ku badiyeen 3-2.
Labada dhinacba waxay ku dhamaatay ciyaarta daqiiqadihii loogu talogalay barbaro 1-1 waqtiga dheeriga ah ciyaarta oo ka dhacday Wembley.
Goolhayaha Talyaaniga Gianluigi Donnarumma ayaa ka qabtay rigoorayaasha b Jadon Sancho iyo Bukayo Saka ka dib markii Marcus Rashford uu birta garaacay, iyadoo Federico Bernardeschi, Leonardo Bonucci iyo Domenico Berardi ay dhamaantood goolal u dhaliyeen xulka Talyaaniga.
Luke Shaw ayaa u dhaliyay gool qurux badan xulkiisa ciyaarta oo socotay labo daqiiqo oo kaliya,siiyay riyo ah laakiin Italy ayaa goolka barbaraha keenstay daqiiqadii 67aad iyadoo uu u dhaliyay Bonucci.
Waxay ahayd finalkii ugu horeeyey ee lagu kala adkaado rigoorayaal tan iyo markii Czechoslovakia ay garaacday West Germany 1976.
COMMENTS