Rooble oo la kulmay XIldhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi

Rooble oo la kulmay XIldhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta la kulmay xildhibaannada ka soo jeeda gobolada woqooyi oo isugu jiray labada garab ee ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay arrimaha doorashooyinka, isagoo u xaqiijiyay in kuraasta gobollada woqooyi loo maamuli doono si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

Guddiga maamulka doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi ayaa dhowaan labo guddoon kala doortay, taasoo dhalisay caqabad cusub.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah xildhibaanada gobolada Waqooyi ayaa dhawaan ka digey in kuraasta gobolada Waqooyi lagu shubto isagoo xusay in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto haddii la musuqmaasuqo kuraasta gobolada Waqooyi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com