Shir loga hadlayo Arrimaha garsoorka oo Muqdisho ka socda

Shir loga hadlayo Arrimaha garsoorka oo Muqdisho ka socda

Shirka Madasha Garsoorka gobolka Banaadir oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho, waxaa diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa hanaanka garsoorka dalka iyo fulinta dacwadaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay marka la gaaro doorashooyinka go’aan kasta oo ay qaataan Guddiyada Doorashooyinka inay yihiin kuwa ku kooban go’aano maamul oo aysan aheyd go’aan garsoore.

Shirka oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho, waxaa ka qeybgalay garsooreyaasha maxkamadaha degmooyinka Gobalka Banaadir, Maxkamadda Racfaanka, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com