Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada dalka Itoobiya

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada dalka Itoobiya

Saddex gobol oo kale oo ka mid ah dalka Ethiopia ayaa u diraya askar si ay u xoojiyaan ciidanka qaranka ee dagaalka kula jira xoogagga ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray,sida ay sheegeen saraakiil u hadashay goboladaas.

Saraakiishan oo ka kala socotay Oromiya, Sidama, iyo Shucuubta Koonfureed ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku biireen ciidanka loo yaqaan Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) oo ka baxay inta badan Tigreega dabayaaqadii bishii Juun.

Gobol afaraad, Amxaaro, ayaa horeyba ugu xirnaa colaadda Tigreega tan iyo markii dagaalku qarxay November sanadkii hore. Amxaaro iyo Tigray labaduba waxay sheegtaan dhul beereedka galbeedka iyo koonfurta Tigray.

Sidoo kale Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheeegtay inay suurta gal tahay inay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka ay u diraan dhinaca Gobolka Tigray ee Waqooyi Ethiopia si ay uga qeyb qaataan dagaalada halkaa ka socda, laakiin ilaa iyo hadda aysan jirin ciidamo ay direen.

Toddobaadkii la soo dhaafey, ciidamada Tigreegu waxay qabsadeen inta badan koonfurta, laakiin galbeedka ayaa si aad ah waxaa u jooga militari badan.

Galbeedka Tigray ayaa muddo dheer hoy u ahaa dad aad u tiro badan oo Tigrey iyo Amxaaro isugu jira, dagaallada cusub ee aagga ka socdaa waxay horseedi karaan qulqulatooyin kale oo qaxooti ah oo horay uga qasbay 2 milyan guryahooda.

“Waxaan mar horeba geynay ciidamadeenna gaarka ah waxayna ku biirayaan ENDF, dadkeenu sidoo kale waxay ku taageeri doonaan agab. Waa ENDF oo iyadu mas’uul ka ah halka ciidamada gaarka ah la geyn doono” ayuu yiri afhayeenka Gobolka Oromiya Getachew Balcha.

“Haddii loo baahdo wax badan ayaan geyn doonnaa,” ayuu u sheegay Reuters.
“Ku dhowaad 300 ilaa 400 oo ciidamo gaar ah ayaa la diray todobaadkan. Waxaan u maleynayaa in la geyn doono jihada galbeed,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan xafiiska isgaarsiinta ee gobolka oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Sarkaal ka tirsan Sidama oo aan rabin in magaciisa la xuso ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada gobolkaas ay u baxeen xoojinta ciidanka qaranka.

Sawirro lagu dhajiyay warbaahinta gobolka ee ay maamusho warbaahinta Axmaarada ayaa muujinayay askarta Sidama oo sawiro la galaya dadka degan magaalada Debre Markos ee Amxaarada.

Dhawaan ayuu Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed u sheegay baarlamaanka Itoobiya inay abaabuli karto dowladiisu ilaa 100,000 oo askari oo ka socda ciidamada gaarka ah ee gobolka in ka yar toddobaad.

Hadalkiisa ayaa muujinayay in la joojiyay xabbad joojinta hal dhinac ee dowladda, oo lagu dhawaaqay markii ay ciidamadu ka baxayeen caasimadda Tigray ee Mekelle.

Hogaamiyaasha Tigreegu waxay ku kaftameen xabbad joojintan inay tahay wado lagu daboolayo khasaarihii ka dhashay dagaalka iyo qabashada kumanaan maxaabiis dagaal ah.

Jabhadda Xoreynta Shacbiga Tigray (TPLF), ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalka illaa ay ka soo celinayaan xuduudihii dagaalka ee dagaalka ka hor, isla markaana ay dowladdu ka joojinayso go’doominta gobolka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com