Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo gaaray Kismaayo

Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafkaadka doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka ayaa gaaray magaalada Kismaayo.

Xubnaha wafdiga uu hoggaaminayo guddoomiye Abyan oo ka kooban 5 xubnood ayaa waxa ujeedka safarkoodu uu la xiriiraa sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada Aqalka Sare ee la filayo in berri ay ka bilaabato magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shaaciyay dhawaan qeyb ka mid ah musharaxiinta kuraasta Senatarada Aqalka Sare ee lagu dooranayo magaalada Kismaayo.

Guddiga doorashada Aqalka Sare ee Jubbaland ayaa bilaabay maanta inay qabtaan araajida xubnaha musharaxiinta doorashada Aqalka Sare.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com