Ilyaas Badal Gaboose oo noqday xildhibaanki ugu horeyeey Aqalka sare ee kismaayo laga soo doorto

Ilyaas Badal Gaboose oo noqday xildhibaanki ugu horeyeey  Aqalka sare ee kismaayo laga soo doorto

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland ka bilaabatay doorashada qaar kamid ah xildhibaannada Jubbaland, iyada oo Goordhow la doortay Xildhibaankii ugu horreeyay ee Aqalka Sare.

Munaasabadda doorashada oo ay ku sugan yihiin, Xildhibaannada Golaha Wakiilada Jubbaland, guddiga doorashooyinka Heer Federaal & xalinta khilafaadka doorashooyinka ayaa ilaa 9 Musharax waxaa ay ku tartamayaan Afar kursi oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamaanka 11aad.

Kursigii ugu horeeyay ee Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamay Ilyaas Badal Gaboose oo ku guuleystay kursigaas, isaga oo helay 55 Cod halka Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 Cod 1 codna uu halaabay halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo kamid ahaa musharixiinta uusan ka qeyb gelin tartanka doorashada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo natiijada doorashada ku dhawaaqay ayaa sheegay in kurigii ugu horreeyay ee Xildhibaannada aqalka sare uu ku leeyahay maamulka Jubbaland uu ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, isla markaana ay doorashada codeeynayeen 73 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland.

Xildhibaanka Aqalka Sare ee Maanta lagu doortay magalada Kismaayo ee Ilyaas Badal Gaboose ayaa xilligii dowladii Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed waxaa uu noqday Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com