Kenya: Saddex Rag ah oo Gabar Soomaali ah kufsi wadareed ugu geystay

Kenya: Saddex Rag ah oo Gabar Soomaali ah kufsi wadareed ugu geystay

Falkaan kufsiga ah oo ka dhacay duleedka Magaalada Wajeer ee dalka Kenya ayaa waxaa Saddex Rag ah wadareed ay u geysteen Gabar 16 Sano jir ah xilli ay kusii jeeday degaan lagu Magacaabo Bandal oo hoostaga magaalada Wajeer.

Hooyada dhashay Gabadhaan oo Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ka hor kufsiga ay Saddexda Nin gabadha Gaari ku qaateen, balse markii ay kufsadeen ay dib ugu soo celiyeen halkii ay ka wateen.

Gabadhaan lagu kufsaday duleedka Magalada wajeer ee dalka Kenya ayaa ah Soomaali, waxaana ehelkeeda ay sheegeen inay aad u liidato xaaladeeda Caafimaad.

Sidoo kale Hooyada dhashay Gabadha la kufsaday ayaa ka dalbatay Mamulka Magaalada Wajeer in gabadheeda ay hesho cadaalad, isla markaana la soo qabto dadkii ka dambeeyay falka kufsiga ah.

Dhanka kale Madaxa Arrimaha bulshada ee dowlad deegaanka Wajeer Marwo Faadumo Yuusuf Cabdullaahi ayaa cambaareysay falkaasi loo geystay Gabadha, waxaana ay sheegtay in uu yahay mid ka baxsan dhaqanka Suuban iyo kan Caalamiga ah.

Laamaha Ammaanka dalka Kenya gaar ahaan magaalada Wajeer ayaa waxaa la shegay inay ku raad joogaan Saddexda Ragga ah ee Gabadha 16 jirka ah kufsi Wadareedka ugu geystay duleedka magaalada Wajeer ee dalka Kenya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com