Guddiga Doorshada Soomaaliya oo ka digay in faragelin lagu sameeyo Shaqada Guddiga

Guddiga Doorshada Soomaaliya oo ka digay in faragelin lagu sameeyo Shaqada Guddiga

Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro ayaa sheegay in Gudiyada doorashooyinka aysan qabin cabsi badan oo ku aadan inay qaban waayaan how;aha doorashooyinka ee loo igmaday, isla markaan ay qabaan kaloosni farabadan.

Guddoomiyaha oo ka qeyb galayay dood la xiriirtay arrimaha doorashooyinka waxaa uu sheegay in Gudiyada doorashooyinka oo midooba ay ku xiran tahay inay qabtaan doorasho nadiif ah oo waqtigeeda ku dhacda.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intasi ku daray in iyaga ay ka go’an tahay in maamulad ay la wadaagaan in ay u madax banaaneeyaan howlaha doorashooyinka , sidoo kalena ay ka hadli karaan hadii ay faragelin dareemaan.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro nin wixii khilaaf siyaadadeed ee soo baxadib loogu celin doono Golaha madasha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com