Wasaarada Shaqadda, shaqaalaha, Dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland oo gudi u saartay baaritaanka cabashada xulka gobolka Sanaag

Wasaarada Shaqadda, shaqaalaha, Dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland oo gudi u saartay baaritaanka cabashada xulka gobolka Sanaag

Wasaarada Shaqadda, shaqaalaha, Dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa gudi u saartay baaritaanka cabashada xulka gobolka Sanaag oo shalay ay iska dhegatireen Xiriirka Kubadda cagta ee Puntland.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada ayaa u qornaa sidan.
Garowe 09.Ogoosto.2021 Waxaa maanta Wasaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarad iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland ka dhacay shir looga hadlaayey ciyaarihii Sanaag iyo Nugaal.
Waxaa shirkaas looga hadlay waxii ka qaldamay ciyaarihii shalay dhax mari lahaa Goboladda Sanaag iyo Nugaal. shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta Wasaradda.
1. Wasiir Jamac Faarax
2. Wasiir-kuxigeenka Hodan Saciid
3. Wasiirudowlaha Fardowsa Cismaan
4. Agasimaha guud Axmed Tigaano
5. La-talliye Madaxwayaha arimaha Ciyaaraha Bashiir
6. Agasimaha Waaxda Ciyaaraha Maxamed Burci
Shirkan ayaa Waxaa looga wada hadlay ciyaartii dhexmari lahayd Goboladda Sanaag iyo Nugaal iyo waxii ka qaldamay. Waxaa shirkaa lagu go’aamiyay in guddi anshax loo saaro oo ah quburo arrimaha Sports uleh aqoon.
Xubnaha Guddiga Anshaxa ee loo saaray in ay xaliyaan arrinta labada Ciyaarood ee dhex Mari lahaa Goboladda Sanaag iyo Nugaal.
1. Ahmed Daahir Ahmed (gudoomiye)
2. Cabdulqaadir Cabdullaahi Xassan (Gudoomiye k/X)
3. Maxamed Yuusuf Maxamuud
4. Axmed Cali Ibrahim
5. Maxamed Cabdullaahi Cali
6. Cabdirisaaq Aadan Warsame
7. Mohamed Aadan Xirsi
Waxaa guddiga laga rabaa in ay Xal ka keenan waxii ka qaldamay ciyaartii dhexmari lahayd shalay xulalka Goboladda Sanaag iyo Nugaal.
Waxaa loo baahan yahay in la helo qoraalo ka socda dhinacyada ay qusayso, loona soo gudbiyo guddiga anshaxa sida ugu dhaqsaha badan.
1. In Gobolka Sanaag uu soo gudbiyo qoraal uu ku cadaynayo cabashadooda
2. In Xiriirka puntland uu soo gudbbiyo report ku saabsan ciyaartii Sanaag iyo Nugaal.
……………….DHAMAAD…………………….
@Wasaradda Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada & Ciyaaraha Dowladda Puntland

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com