Wasiirka Gargaarka oo booqatay xeryo ay ku jiraan barakacayaal magaalada Buulo-burte

Wasiirka Gargaarka oo booqatay xeryo ay ku jiraan barakacayaal magaalada Buulo-burte

Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa booqatay goobaha ay daganyihin barakacayasha ee ku yaala duleedka degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warbixino ka dhagaysatay madaxda xeryaha barakacayaasha waxayna la wadaagtay sida ay xukuumada Soomaaliya uga go’an tahay inay wax u qabato dadka barakacayaasha ah.

Sidoo kale,Wasiirka Gargaarka ayaa waxa ay kormeertay xarumaha ay ku shaqeyso hay’adda Mercy USA iyo wafdig ay hogamineysay qeybna ay ka ahayen Madaxda Hay’adaha UN-OCHA, WFP, WHO iyo UNICEF, ayaa soo garay dagmada Buulo-burte

Kormeerka kadib wafdiga ayaa la kulmay maamulka Degmada Buulo-burte odayaasha dhaqanka hay’adaha ka howlgala degmada, ayadoo ka wareysatay xaaladda Degmada iyo qaabka ay u shaqeeyaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com