Gobolka Bari: Shacabka oo looga digay Roobab dabaylo wata oo kusoo wajahan Xeebaha Puntland

Gobolka Bari: Shacabka oo looga digay Roobab dabaylo wata oo kusoo wajahan Xeebaha Puntland

Qoraal kasoo baxay Maamulka Gobolka Bari ayaa loogu baaqay bulshada ku nool qaar ka mid ah Gobolka Bari inay ka fogaadaan goobaha Xeebta ku dhow.

Maamulka Gobolka Bari ayaa sidoo kale waxa uu ka mamnuucay gaadiidka badda inay gudaha u galaan badda,waxana la amray Taliska Booliska & Maamulada degmooyinka inay o’ankaa dhaqan geliyaan.

Maamulka Gobolka Bari waxaa uu la wadaagayaa Shacabka Gobolka in 48 saac ee soo socda ay jiraan roobab xoogleh iyo dabeeylo dhanka bada u badan hadii alle idmo sida saadaasha cimiladu sheegeyso.

hadaba waxaa la farayaa shacabka degan dhulka Banaan, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay ka fogaadaan goobahaas si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto dadka iyo duunyada.

Sidoo kale waxa la faray Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari Iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Bari in ay 48 saac ee socoda ay wax gaadiid ah u bixi karrin bada, sidoo kale waxa la faray Isu-Duwayaasha Wasaaradaha Dekadaha Iyo Kaluumaysiga in ay si dhow uga war-hayaan arrintaas.

Sidoo kale waxa ay gaarri kartaa Gobolka Gardafuu waa in aay aad uga taxadaraan arrintaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com