General Odowaa la kulmay Taliyaha Ciidamada Ethiopia

General Odowaa la kulmay Taliyaha Ciidamada Ethiopia

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed general Odowaa Yuusuf Raagge ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay taliyaha ciidamada Milatariga Ethiopia Berhanu jula iyagoo ka wadahadlay iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga sidii loo adkeyn lahaa.

Sida ay baahisay Warbaahinta dawladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ee laga hadlay ay tahay sidii Soomaaliya u gaari lahayd isku-filaansho dhinaca ciidamada ah.

Taliye Odowaa ayaa booqashada uu ku tagay dalka Ethiopia kahor waxa uu kulamo kula yeeshay magaalada Qaahira saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada dalka Masar.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com