Ra’iisul Wasaare Abiy oo ku baaqay in Ciidamada Liyuu booliska DDS isaga baxaan Magaaladda Garbociise

Ra’iisul Wasaare Abiy oo ku baaqay in Ciidamada Liyuu booliska DDS isaga baxaan Magaaladda Garbociise

Kadib markii Todobaadkii lasoo dhaafay ay dagaalo lagu hoobtay dhexmareen Ciidanka Canfarta iyo Liyuu booliska Deegaanka Soomaalida Ayaa Raysul Wasaare Abiyu Axmed waxuu amar dagdag ah oo kamadanbaysa ku bixiyey in Ciidanka Liyuu booliska Soomalidu Dib uga baxaan Nawaaxiga Garbociise iyo goobaha kale ee ay qabsadeen Liyuu booliska Soomaalidu

Amarkan kasoo baxay Dawladda Fadaralka Itoobiya ayaa udhignaa inuu yahay go’aan adag oo xanbaarsan amar kama danbays ah Masuuliyiinka laamaha amniga ee Deegaanka Soomaalida waxa lagu faray oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa adis ababa ayaa amar lagu siiyey lana faray in sida ugu dhakhsaha badan ay uga baxaan ciidanka Soomalida ee ku sugan Galbeedka Gobolka Sitti oo dhawaanahanba uu dagaalo adagi ku dhexmarayeen Ciimanka Kililka Canfarta iyo Liyuu Booliska Soomalida.
Dawladda faderalka Itooboya ayaa waxay si cad ugu sheegtay masuuliyiinta laamaha amniga ee Deegaanka Soomalida oo uu wehelinayay Wakiilka Xisbiga Dawladda Deeganka Soomalida ee wadahadalka arinta Gobolka Sitti u joogay Adis Ababa in dhulka Galbeedka Gobolka Sitti uu yahay dhul canfari Waa sida Dawladda Faderaalku sheegtay.

Sidaasdarteed aanay Dawladda Federaalku aanay udulqaadandoonin in Ciidanka Liyuu boolisku ku dhex dagaalamaan Dhulka Kililka Canfarta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com