Degmada Qoryooleey: Booliiska oo qabtay Hilibka Waraabaha & Nin ka Ganacsanayay

Degmada Qoryooleey:  Booliiska oo qabtay Hilibka Waraabaha & Nin ka Ganacsanayay

Laamaha Amniga Degmada Qoryooleey oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa howlgal ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeen Shaqsiyaad Hilibka Waraabaha ku dhex iibinayay Gudaha Suuqa degmadaas si qarsoodi ah, iyaga oo ku dhex qariyay Hilbka Xoolaha.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ammaanka degmada Qoryooleey ayaa soo bandhigay Hilibka Waraabaha iyo Shaqsigii ka Ganacsanayay oo kamid ah dadka kunool degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Amniga degmada Qoryooleey Ibraahim Hadaafow ayaa sheegay in Waraabaha banaanka Magaalada lagu soo qalay, kadibna la soo geliyay Gudaha Magaalada, hayeeshee Ciidamada Ammaanka oo heegan kujiray ay Hilibka kasoo qabteen Kawaanka degmada Qoryooleey oo lagu iibinayay.

Guddoomiyaha degmada Qoryooleey Sayid Cali Ibraahim Xasan ayaa Ciidamada Ammaanka ku bogaadiyay sida ay mar waliba ugu jiraan ilaalinta amniga iyo badqabka Shacabka, waxaana uu Shacabka ka dalbaday inay la Shaqeeyaan Cijdamada Amniga.

Dadweynaha kunool degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay aad u hadal haayay Hilibka Waraabaha oo lagu iibinayay Kawaanka degmada, iyaga oo shaki weyn muujiyay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com