Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble & Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya?

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble & Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Ra’iisal wasaaraha iyo safiirka ayaa ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa muujiyay muhiimadda ay xiriirka taariikheed iyo kan dhaqan u leedahay xoojinta xiriirkooda iyo hiigsashada qaabab kale oo iskaashi looga yeelan karo dhinacyada kale.

Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona tababaro kala duwan siiya Ciidanka dowladda Federaalka, waxaana sanadkaan gudihiisa dalkaas lagu soo tababaray kumanaan Askari oo kamid ah Ciidanka dowladda

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com