Xiliga ay dhacayso Doorshada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la shaaciyay (daawo)

Xiliga ay dhacayso Doorshada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la shaaciyay (daawo)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in todobaadka soo socda ay bilaaban doonaan doorashada Golaha Shacabka ee xildhibaanada gobolada Waqooyi.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegeen inay ku ballameen guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka inay dedejiyaan doorashada 46-ka Xildhibaan ee Gobollada Waqooyi ku metalaya Aqalka Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka oo dhowr jeer jadwalkeeda dib u dhacay ayaa la rajeynayaa inay bilaabato bishan aynu kujirno ee Oktoobar iyadoo magaalooyin kamid ah goobaha lagu qabanayo doorashada la geeyay ciidamo Boolis ah oo ka socda AMISOM.

Doorashada Golaha Shacabka oo la qorsheeyay in ay magaalooyin badan ay ka dhacdo ayaa waxaa xildhibaanada dooran doona 101 ergo oo ka kala imanaya beelaha Soomaaliyeed.

Rooble marka hore waxa uu ka hadalayaa guushii laga garay kiiskii dacwadda badda ee Soomaaliya oo ay Kenya nagu haysatay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com