Fariin ka Timid Caasha Gelle oo Ka mid ah Nabadjirayaasha Gaalkacyo

Fariin ka Timid Caasha Gelle oo Ka mid ah Nabadjirayaasha Gaalkacyo

Bismillah, Allaa mahadle leh, Salaan qiimo badan oo aan u soo gudbinayo mudanka madasha Galkacyo book fair ka soo qaybgashay ka dib aniga oo aan maanta awoodin in aan qayb ka noqdo madashaan, hadana waxaa farxad ii ah in aan qalbiyan idinla joogo. Waxaa maanta gaalkacyo ka suurtogashay maalin aan inbadan saadaalinayney hadaan nahay haweenka gaalkacyo laga soo bilaabo maaalintii ugu horeysay oo Gaalkacyo dagaalku ka qarxay ilaa maanta oo aan farxad iyo wada noolaansho shacabka gaalkacyo ka gaareen fadqalalooyinkii loo maleegay. Haweenka gobolka mudug waxay u soo dhabaradaygeen in ay gaarhaye ka ahaadaan dhacdooyinkii dagaal oo murugada lahaa oo nasoo marey anagoo qalbigu ka gubanayna, waxaa korkayga ka dhacay madaafiic anagoo nabad ku baaqayna, waxaa nalaku riday rasaas nool anagoo nabada u tafaxaydan, waxaa sir iyo saaqba nala ka dhameeyey mudankii mgaala anagoo u jeedna, waxaan noqonay xaabada dagaalka, hooyooyin baa aygoo qaxaya jidka ku umulay, caruur baa masas ku cuneen aygoo bacad banaan jiifa,ubixii shoolada u dareeri jirey baa albaabada looga laabay, hooyooyinkii nolosha qoyska uga soo saari jirey dab ay shidaan, jaad aysan cunin oo gadaan,caano ay qobaha habeenkii iyo qoraxda korkooda ku gadi jireen baa aygoo fara marn ka carrey, wiilashoodii, odayshoodii, ehelkood bay maydkooda ka kor talaabsadeen, waxa dhaawac gaarey darisnimadii ,guurkii,naxariistii isdhexgalkii schooladii la wada dhigan jirey, isla cawayntii iyo wada dagii deegaanada aan u barakacnaa waxay noo yaqaaneen qoxoitigii isa soo cunay kama aanan heli jirin daryeel iyo soo dhawayn, koobka shaaha ah oo kunka ahaa shan kun buu tagay, waxaan u noqonay johorad u jabtay, aygoon hooy iyo musqulo haysan ayey banaanada jiifeen.

Walaalayaal walaalayaal Dadka Gaalkacyo naga barakicinayey oo isku kaaya dirayey ma ahayn kaliya fikirka ka yimid reer gaalkacyo ,waxaa nagu jirey gacmo badan oo sokeeyo iyo shisheeyaba leh oo diidanaa muhimada ay Gaalkacyo iyo Dakeedu leeyihiin .

alxamdulilah caqligii baa noo soo noqday, wax badan baan fahamnay ,gaalkacyo in alle nagu wada beeray baan yaqiinsanay, inaanan kala guureyn baan ogaanay, odayo haween dhalinyaro ganacsato iyo siyaasiba haday gaakacyo lahayd gacmahay isqabsadeen , nabada geedkeedii aan abuurnay ayaan maanta waa harsanaa ee maanta idinkuna nala harsada . Waxaan cod dheer ku baaqaynaa reer gaalkacyood miyi iyo agaalo qof ladilay, xoolo la dhacay hadal xun oo fakaday dawadiisii waa la helay, waxaan ku dardaarmayaa yaan dib loo noqon.

Walaalayaal soo dhwaada waxaan rajeynaynaa in casharda aan baranay , siraha dadka lagu kala fogeeyo oo aan barnay iyo dhab u heshiisiinta in aan la wadaagi doono walaalahayga soomaaliyeed oo dhan.

Waa walaashiin Caasha Gelle oo idn leh soo dhawaada, farxad nagula dabaaldagga ,jimce mubaarak.
Allaa mahadle.
WQ: Caasho Geelle, Turkey.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com