Wararkii ugu dambeeyay ee Guriceel & Waan waan laga dhex-waday Galmudug & Ahlusunna oo fashilmay

Wararkii ugu dambeeyay ee Guriceel & Waan waan laga dhex-waday Galmudug & Ahlusunna oo fashilmay

Waxaa fashil ku dhamaaday waan waantii usocotay maamulka Galmudug iyo Ahlusunna oo ay wadeen Odayaasha Dhaqanka Galmudug & siyaasiyiin deegaanka kasoo jeeda.

Qodobo dhowr ah oo ay Ahlusunna ogolaadeen ayaa waxaa kamid ahaa:

1: Inay Ciidankooda ka saaraan degmada Guriceel.

2: Inay celiyaan Gaadiidkii ay dhawaan ku qabsadeen dagaalkii ka dhacay degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud.

3: In la soo celiyo Maamulka degmada Guriceel ee Galmudug, kuwaas oo magaalada ka maqan.

Wararka ayaa sheegeen in Ahlusunna ay ka laabteen qodobadii ay ogolaayeen sababo la xiriira Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug ee lagu daad gureeyay degaannada u dhow degmada Guriceel, iyaga oo kalsooni xumo ka muujiyay amnigooda.

Wali waxaa Guriceel kataagan Xiisad dagaal oo laga cabsi qabo iney ka dhacdo degmada Guriceel halkaas oo ay kusugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna iyadoo ay magaalada intabadan dadku isaga barakaceen.

Xasan Heykal.
Daljir Garowe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com