HANA QAADKA NIDAAMKA DIMUQRAADIYADA PUNTLAND ( MAQAAL)

HANA QAADKA NIDAAMKA DIMUQRAADIYADA PUNTLAND  ( MAQAAL)

Inkabadan nus qarni kadib inaynu dib ugu soolaabanno nidaam doorasheedka kudhisan kala aragti duwanaashaha siyaasadda iyo ku ixtiraamka dadka rabitaankooda codaynta waa arrin bogaadin mudan oo Puntland kutalaabsatay, ammaanteedana ay leedahay xukuumadda hadda talada haysa ee Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni hoggaamiyo.

Markii laga hadlayo Afrika, Soomaaliya waxay uleedahay nidaamkan taariikh fog, xilligii Military-ga kahor, sanadihii dambe oo qaabka qabaliga ah waxlagu dooranayey qudhiisa waxaa lagadheehan karay xilliyada doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliya qabsoomayaan debacsanaan iyo faham dimuqraadi ah oo waayey waqtigiisi. Marka loo eego meelo badan oo Afrikada kale ah.

Haatan, doorashooyinkan horudhaca ah ma’ah arrin ku kooban Danaha iyo Mustaqbalka Qardho, Eyl iyo Ufayn lakiin waa doorashooyin saamayn toodu kafogtahay saddexdaan degmo iyo Puntland-ba.

Waa doorashooyin dadka saddexdan degmo ay go’aaminayaan in Puntland iyo Soomaaliya oo dhan ay kusii socoto nidaam doorasheedkan casriga ah ee dadku leeyihiin awoodda doorashada, ama taas beddelkeeda waxay noqon doorashooyin inoo horseeda inaynu kusiijirno nidaam doorasheedki foosha xumaa ee kusalaysnaa rabitaanka koox yar oo danahooda eeganaya nidaamkaas oo ay ku dulmanaayeen dadka iyo dalkuba.

Gaba-Gabadii, Guud ahaan waxgaradka Puntland iyo si khaas ah dadka saddexdaan degmo waxaa saaran mas’uuliyad wadareed kaweyn urur hebel ayaan taageero u ahay oo aan ucodeynayaa maalinka doorashada.

Waxaan rajaynayaa in qof walbaa doorkiisa qaato, si aynu u aragno Puntland, Dowlad goboleedyada kale iyo Guud ahaan Soomaaliya oo Shacabku ucodeeyo mustaqbalkooda.

W/Q Ahmed H. Suleiman
[email protected]

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com