Ciidamada Dowladda oo si buuxda ula wareegay Guriceel & Khasare ka dhashay dagaalkii manata ) Sawirro)

Ciidamada Dowladda oo si buuxda ula wareegay Guriceel & Khasare ka dhashay dagaalkii manata ) Sawirro)

Wararka ka imanaya Guriceel ayaa sheegaya in ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Galmudug ay la wareegeen Saldhigga booliska iyo xarunta deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud, iyadoo gaadiidka dagaalka ciidamada dowlada ay ku sugan yihiin wadooyinka waweyn ee magaalada Guriceel

Dagaalka oo saaka waaberigii bilowday ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dhinacyadii dagaalamayay iyo weliba dad rayid ah.

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebook ayaa sheegay in saka uu dhacay wixii horay uga digay.

“Mar kale waxaan ka xumahay waxa Guriceel ka socda oo burbur iyo dhimasho ah, dhaawac iyo barakacin ah, colaad iyo mahadho ah, muuqaalka hoose waa midka aan ka digayey laakin ay doorteen kuwa dagaalka danta mooday ee ciidamada Muqdisho ka daabuley!
Caqligu ha shaqeeyo oo dagaalka hala joojiyo, wadahadalna arrinta halagu dayo ayadoo loo turayo dhiigga dadka reer Galmudug iyo shacabka guryahooda uga barakacay cabsi ay ka qabeen waxa maantay dhacay oo kale!
Suurtagal maahan hoobiye iyo madaafiic in magaalada lagu garaaco, Lana xasuuqo dadka ku haray magaalada.
Ilaahay ha qaboojiyo colaadda!.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com