CAASHA GEELLE: Hambalyo, Bogaadin & Dardaaran ku aadan doorashada qof & Cod

CAASHA GEELLE: Hambalyo, Bogaadin & Dardaaran ku aadan doorashada qof & Cod

Caasha Gelle Diiriye
Xubin Aasaasayaashii Puntland
Bismillah
Maanta oo isniin September 2021 waxa farxad wayn ii ah aniga oo ka mid ah Aasasayashii Puntland in aniga oo wali nool aan arko ugu dambeyn shacabka Puntland oo u dareeray doorasho qof iyo cod ah oo la filayey in ay qabsoonto sadex sano ka dib dhalashadii Puntland 1998.

Waxaa kaloo farxad wayn ii ah in shacab waynaha puntland ay maanta xaqiiqsadeen oo ay u rumowday in ay masiirkooda gacantooda ay ku go’aamin karaan.
Waa maalin ay meesha ka baxday cabsidii Reer Puntland iyo Soomaaliba ay ka qabeen in xilligaan Adag ay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo iyo cod ah oo si nabad galyo ah u qabsoonta .

Waa maalin Dawlada Puntland ee uu Hoggaamiyo Siciid Cabdullahi Deni ay jabisay Darbigii Cabsida ee laga qabay in doorasho ka dhacda Puntland ,kuna dhiiraday in uu meesha ka saarto fikirkii khaldanaa oo Dawladihii ka horeeyey ay qabeen oo ku salaysnaa haddii doorasho iyo axsaab siyaasadeed puntland laga aasaaso in hoggaaminta dawladu ay wadaag noqonayso, oo doorashadu la imaanayso Fawdo, Mucaarado, Qas, Eedayn habmaamulka dawladnimo, fara-iskufiiq ,
iyo shacabka ay xukumaan oo laga dhex kaluumaysto.

Madaxwayne Deni Ku Mahadsanid, waa kugu bogaadinayaa Beerkana kaaga ogsooni dhiiranaantaada iyo go’aan qaadashadaada geesinimada leh oo aad Puntland Doorasho qof iyo cod uga bilowday.

Waxaan kale oon bogaadinayaa dadaalka isku dhafka ah oo ay sida wada-jirka u muujiyeen TPEC, Ciidamada Puntland, Ururada Siyaasada iyo Shacabka sadexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo dhamaantood xilwayn iyo masuuliyad iska saarey in maanta ay puntland ka hirgasho doorasho qof iyo cod ah oo si nabadgalyo ahu dhacday.
Shaqsiyan Waxaa maanta iga baxay shaki wayn oo aan ka qabay in doorasho qof iyo cod ah lagu dhamaystiri karo degmooyinka puntland oo dhan mudada ka harsan mudo-xileedka Dawladaan .

Reer puntland dal iyo dibad waxaan ugu baaqayaa in Dawlada lagala shaqeeyo sidii lagu heli lahaa dhaqaalaha lagu hirgalinayo degmooyinka dhiman taas oon kalsooni wayn aan ku qabo in 100% ay suurtogalayso.

Waxaan ka rajeynayaa xukuumada Puntland iyo TPEC in ay xilwayn iska saaraan sidii loo dhamaystiri lahaa degmooyinka harey ka hor mudo xileedka dawlada Uu Hogaamiyo Siciid Cabdullahi Deni , taas oo haddii ay dhacdo noqon doonta Taariikh lama ilaawaan ah oo xididada u siibaysa in mar kale ay Puntland dib ugu soo noqoto doorasho madaxeed ku timaada hab qaybsi qabiil isku doorasho.

Ugu dambayn waxaan leeyahay Soomaali wayn haka Faa’iideysato horseedka Dimoqraadiyada ee Puntland ku tilaabsatay.
Allaa Mahad leh

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com