AFGAANISTAAN: Weerar lagu qaaday goob Aroor uu ka dhacaayay

Rag hubeysan oo isku magacaabay Taalibaan ayaa weerar ku qaaday aroos ka dhacayay bariga dalka Afgaanistaan ​​si ay u joojiyaan muusiga halkaas ka shidnayd.

Waxaa halkaasi ku dhintay ugu yaraan 2 qof 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay saraakiishu warbaahinta u sheegeen.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay in labo ka mid ah saddexda nin ee hubeysan la xiray balse waxa uu beeniyay in ay matalyeen magaca dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah.

Muusigga ayaa la mamnuucay markii ay Taalibaan dalka xukumayeen 1996 ilaa 2001-dii.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com