Rooble oo dowlad Goboleedyada ugu baaqay inay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka

Rooble oo dowlad Goboleedyada ugu baaqay inay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa marka hore waxaa uu u hambalyeeyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi, kuwaas oo Maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa Maanta lagu doortay dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magalada Muqdisho, kuwaas oo kala ah Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Xildhibaan Biixi IImaan Cige.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in doorashada Golaha Shacbaka sirasmi ah ugu bilaabato, wuxuuna dowlad Goboleedyada ka codsaday inay deg deg u bilaaban doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

“ Waxaan ku faraxsanahay in doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabku ay maanta si rasmi ah noogu bilaabatay. Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeynaya in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan ayuu yiri” RW Rooble.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com