Golaha Wasiirada Soomaaliya oo la horgeynayo Xeerka Maamulka Ganacsiga Batroolka

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo la horgeynayo Xeerka Maamulka Ganacsiga Batroolka

Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan Golaha Wasiirada ay horgeyn doonto xeerka maamulka Ganacsiga Batroolka dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay in Shidaalka hadda laga isticmaalo dalka ay maamulaan Ganacsato, balse xilligii dowladdii hore Shidaalka laga maamuli jiray Wakaaladda Batroolka, sidaasina ay kuu qeybin jirtay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in xilligaan Shidaalka Soomaaliya yaalla uu qiimo kotor ku dhacay, taasina ay sabab u tahay qiimaha dollarka ee kacay & dalalka laga keeno oo uu aad qaali uga noqday.

Ugu dambeyn Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Xaashi Carabey inay sameeyeen Xeerka nidaamka Shidaalka agu isticmaalo,.sida Shatiga Shirkadaha ka Ganacsanaya, hubinta Shidaalka noocyadiisa kala duwan, isla markaama xeerkaas dhamaan ay gaarsiiyeen Gamacsatada Shidaalka noocyadiisa kala duwan.

Dowladda Soomaaliyaa ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waday qorsho Shirkaddo ay dalka uga soo saaraan Shidaal, si dadka Soomaaliyeed ay u noqdaan kuwo hela Shidaal qiimo jaban oo Bulshada ay ka helaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com