BAYDHABO: NISA oo shaacisay inay qabatay Shabakad ka tirsan Al-Shabaab

BAYDHABO: NISA oo shaacisay inay qabatay Shabakad ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nasad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigeen Shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo isku diyaarisay qalqal-gelinta Amniga magaalada Baydhabo oo Xarun KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyaha Nabad sugida maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud Maxamed Xasan Shaahiyow ayaa sheegay in tirada xubnaha la qabtay ay gaarayaan 12-ruux, isla markaana hadda ay ku jiraan gacanta laamaha amniga cadaaladdana la horkeeni doono.

Shabakadda ay Ciidamada Amniga ee NISA ay qabteen waxaa ku jiro dad qaba Baahiyaha gaarka ah, kuwaas oo ciidamadu ay baaritaan ku sameynayaan.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com