Ra’iis Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in uu dhawaan booqdo Magaalooyinka lagu qabanayo doorashada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Rooble ayaa u kuurgeli doono xaaladda Amni ee Goobaha loogu talo galay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka iyo diyaar garoowga doorashada.
” Wixii ka bilowda Jimcaha ama sabtiga waxaan diyaariyay safaro aan ku tagayo goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka ayuu yiri” Ra’iisul Wasaare Rooble.
COMMENTS