Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad goboleedka Galmudug.
Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu macneeyay inay tahay hubinta howlaha la xiriira qabsoomidda Doorashada Golaha Shacabka.
Qabanqaabada soo dhaweynta wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa ka socota magaalada Dhuusamareeb iyadoo la filayo inuu booqdo xarumaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashada golaha shacabka.
Dowlad goboleedyada ayaa u muuqda kuwa ka cagajiidaya inay dhaqaajiyaan howlaha doorashada golaha shacabka iyadoo aysan muuqan qorshayaal ay dowlad goboleedyada u sameeyeen sidii ay u bilaabi lahaayeen 16ka bisha oo ku beegan berri,taasoo ay guddiga doorashooyinka heer federal sheegeen in ay doorashada golaha shacabka bilaabayaan.
COMMENTS