Beesha Caalamka oo shuruud ku xirtay bixinta lacagta doorashada

Beesha Caalamka oo shuruud ku xirtay bixinta lacagta doorashada

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa shuruud ku xidhay bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya ee ay horay Beesha Caalamka u balanqaadeen.

Waxay dalbadeen in qeybta ugu horreysa ee dhaqaalaha ay bixinayaan marka ay muuqato doorashada inay si habsami ah u socoto, kana bilaabato saddex dowlad-goboleed, sidoo kalena qeybta labaad ee dhaqaalaha ay bixin doonaan markii saddex meelood labo meel laga qabto doorashada dhammaan goobaha.

Qaar ka mid ah ayaa horay u dalbaday in la siiyo lacagta doorashada si ay u bilaabaan doorashada xildhibaanada golaha Shacabka.

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa sheegay inay bixinayaan lacagta dheeriga ah 3.7 milyan dollar oo ay dalbadeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga doorashada heer Federaal.
Akhriso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com