Hay’adda MSF oo ka digtay xiritaanka xerooyin ay Soomaali kujiraan

Hay’adda MSF oo ka digtay xiritaanka xerooyin ay Soomaali kujiraan

Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudaha lahayn ee MSF, ayaa kamid ah hay’adaha walaaca ka muujinaya xaaladda qaxootigaasi, waxayna soo saartay warbixin ay ku xoojineyso walaaceeda isla markaana ay ku direyso baaq.

MSF ayaa dowladda Kenya iyo beesha caalamkaba ugu baaqeysaa inay ka dhabeeyaan balanqaadyadoodi ahaa, in qaxootiga ay dhex galaan bulshooyinka kale ee ku nool Kenya ama dib u dejin loogu sameeyo dal kale.

Dhanka kale, waxaa ay bogaadisay sharciga uu dhawaan saxiixay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaas oo qaxootiga siinaya fursad waxbarasho iyo inay dhex gali karaan bulshooyinka kale ee ku nool dalka.

Xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma ee dalka Kenya ayaa waxaa kujira kumanaan Soomaali ah oo ka qaxay colaada daba dheeraatay ee kajirta Soomaaliya, waxaana jira kuwo magangalyo ka helay dalal shisheeye iyo kuwo si iskood ah ugu soo laabtay dalkooda Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com