Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si kulul uga hadlay arimaha Doorashada

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si kulul uga hadlay arimaha Doorashada

CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR WARSAME: “Waxaa la yiri ergada wax dooranaysa waa in qofkiiba uu $30 bixiyo si loo siiyo shahaado danbi la’aan ah, haddana waa in uu $50 bixiyo si uu shahaadada COVID19 u helo. Murashaxa kursiga u xiran yahay ee loo boobayana waa in uu bixiyaa $1000 si uu shahaado danbi la’aan ah u helo, waana in uu qarashka ka bixiyaa ergada, welina lacag kale oo dheeraad ah siiyaa, si ay ugu codeeyaan. Si boobka loo xalaaleeyo waa in uu guddiga doorashada afgartaa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka waa in uu isagu kuraasta boobo haddii uu musharrax yahay, ama uu murashax kale u boobaa. Taasi doorasho maaha ee waa boob, xaraash, laaluush iyo awood sheegasho.

“Ruuxa tartama ee laga guulaysto, xanuun guuldarro oo keli ah ayuu xambaartaa, laakiin haddii tartanka loo diido, ama la xoogo, waa ciishoodaa, ciilkuna wuxuu keenaa aargudasho, waana tan sababaysa colaadda iyo in wixii yaraa ee inoo dhoobdhoobnaa ay dumaan, lana waayo cid u ooyda, kolkaana kii wax boobay, kii la boobay iyo kii ku fiirsadayba ay cidla isku warsadaan.

Horaa loo yiri “ Wan ilaa la gowraco indhihiisa cirka ma arkaan”

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com