Wararkii ugu dambeeyay ee dalka Itoobiya & Ciidamada oo la wareegay deegaano

Wararkii ugu dambeeyay ee dalka Itoobiya & Ciidamada oo la wareegay deegaano

Ciidamada dowlada Itoobiya ayaa waxa ay ku sii durkayaan deeganada gobolka Tigrey kadib markii ay sheegeen inay la wareegeen waddada halbowlaha ah ee isku xirta Waldiya iyo Maqale.

Warkan oo ii baahiyay telefishiinka dowladda ee EBC ayaa sheegaya iney ciidamadu dagaal maalmihi u dambeeyey ay la galeen TPLF oo ka socday jiidda hore ee bariga dalkaasi iney ku qabsadeen waddadaasi.

Sida oo kale ciidamadu waxay sheegeen iney qabsadeen buuraha silsiladda ee Zoble oo iyo magaalooyinka ku hareereysan sida Orjo, Fokiso iyo Booran.

TPLF dhankooda waxay weli socda dagaalo qaraar dhanka waddada Waldiya iyo Maqale isku xirta.

Waddada ay ciidamada Itoobiya sheegeen iney TPLF ka qabsadeen ayey ku sheegeen iney go’doomineyso ciidamada fallaagada TPLF ee gudaha deegaanka Amxaarada ka dagaallamaya, saanaddi ciidan iyo maleeshiyaadki dhanka Maqale uga iman jirayna ay waayayaan wadda ay u soo maraan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com