Maxay ka wada hadleen Guddiyada Doorashada iyo Deeq-bixiyeyaasha Caalamiga?

Maxay ka wada hadleen Guddiyada Doorashada iyo Deeq-bixiyeyaasha Caalamiga?

Magaalada Muqdisbo waxaa kulan ku geeshay Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal, Guddiga Hirgalinta doorashada heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada iyo deeq-bixiyeyaasha Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay howlaha doorashada ee la qabtay ilaa iyo hadda, waxaana hoosta laga xarriiqay in loo baahanyahay xaqiijinta hannaan doorasho oo si weyn la isugu halayn karo lana aqbali karo oo horay u socda.

Guddiyada kala duwan ee doorashooyinka ayaa warbixin la xiriirta doorashooyinka waxaa ay siiyeen Wakiilada Beesha Caalanka, iyaga oo u sheegay in doorashooyinka ay si wanaagsan dalka uga socdaan.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo hadal qaaday cabashooyinka ka imaanaya doorashooyinka, waxaana guddiyada kala duwan ay ku booriyeen inay qabtaan doorashooyin si siman looga wada qeyb qaato oo la isla ogol yahay.

Dalalka Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa culeysyo kala duwan saaraya Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya iyo Gudiyada doorashooyinka si loo dhameeyo mad madowga kajira doorashooyinka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com