XAALKA BOOSAASO & DAGAALKA MAALINKII SADDAXAAD GALAY (daawo)

XAALKA BOOSAASO & DAGAALKA MAALINKII SADDAXAAD GALAY (daawo)

Xaaladdda magaalada Bossaso ayaa ah mid kacsanaan badan iyo degganaansho la’aan laga dareemayo kadib markii saddexdii maalmood ee ugu dambdeyey ay ka dhaceen iska hor-imaaddo hubaysan oo u dhaxeeyey ciidamo Puntland, gaar ahaan ciidamada gaarka ah ee PSF ta iyo kuwo kale isla Puntland.

Dagaalkaasi oo la isku adeegsaday moocyada hubka, waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho, mid dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac baahsan oo ku dhacay dadka shacabka ah ee deggan magaalada Bossaso.

Ma jirto tiro sugan oo dhimasho ama dhaawac, hase ahaatee ilo kala duwan oo saraakiisha amniga iyo kuwa caafimaadka iskugu jira ayaa warbaahinta Daljir u xaqiijiyey dadka ku dhintay dagaalkaasi Bossaso ka dhacay labada maalmood ee isku xiga in ay ka badanyihiin 20 ruux labadii maalmood ee hore, dhaawucuna labo jibaar intaasi ka badanyahay, maantana ay ahayd maalinkii ugu waxyeello badnaa, dadkaasi òo iskugu jira ciidamada dagaallamay iyo dad shacab ah oo rasaas habow ahi ugu tagtay guryahooda iyo goobahooda ganacsiba.

Dagaalka ayaa salka ku hayo xilka qaadistii uu madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni uu xilka ka qaaday agaasimihii hay’adda ciidan ee PSFta Maxamuud Cismaan Diyaaano, tallaabadaasi oo agaasinkii hay’addaasi diidmo kala horyimid, dhalisayna xiisadda colaadeed ee dhiigga badani ku daatay.

Bilawga dagaalka ka hor iyo intii wax dhaceenba, waxaa guuldarraystay dagaallo nabadeed oo lagu maagganaa baajinta dhiig daata, taasoo ay garwadeen ka ahaateen Issimo dhaqan iyo indheer-garad bulsho oo si iskood ah iskugu xilqaamay nabad ku soo dabaalidda xiisadda Bossaso, waxaana labo jeer burburay xabad joojin lagu baaqay, inkastoo xargo xirkeeda hore dabac badani ku jiray.

Tii ugu dambaysay ee xabad joojin ahi, waxay ahayd shalay markii dagaal labaad dhacay iyadoo nabad loo fadhiyo, lana naawilayo in loo hoggaansamo baaqyada dhaqanka iyo dalabkooda xabad joojineed, waxaana xigtay isla xalay xabbadi in ay ka bilaabato Bossaso, xilli weli dheguhu ay xasuusanyihiin, uuna qoyanyahay raadkii xabbad joojineed, iyo baaqyadii issimada, lamana oga xabadda xalay xilli dambe ka bilaabatay Bossaso waxa kiciyey iyo cidda sababteeda lahayd, taasoo dhinacyadu isku tuurtuureen masuuliyaddeeda, walow dawladdu ay aad iskaga fogaysay, kuna eedaysay PSFta.

Inkasta oo dad badan ay la yaab iyo qaadanwaa ku tahay xabbad ka dhacda Bossaso, dagaal maalmo socda iyo madaafiic la is dhaafsado, haddana la yaabka labaad ee bulshada Bossaso haysta waa in la arkay, ayna soo laalaabteen, hoobiyayaal aan loo meel dayin oo ku dhacaya goobaha dadka rayidka ah, kuwaasi oo ka imaanaya ciidamada dagaallamaya inkastoo dhinac loo badinayo, sida ay noo xaqiijiyeen ilo kala duwan oo si dhaw ula socda dagaalka labada maalin iyo xalayba ka dhacay magaalada Bossaso, waana kuwa geystay hoobiyayaashaasi khsaaraha ugu badan ee dadka shacabka ah soo gaaray, barakacana sababay.

Bossaso oo ah magaalada ugu dadka badan Puntland, Soomaaliya oo dhanna labo magaalo oo kaliya la tilmaamo in ay ka dad badanyihiin, haatan xaafado badan oo ka mid ahi waa haawanayaan, waxaana is garaacaya albaabada guryaha, kadib markii dadkii degganaa si halhaleel ah uga carareen iyagoon tabaabushaysan, kuna talagelin in ay qaxaan.

Koobnaanta dagaallada dhacay labada maalmood iyo tiro badnaanta dadka ka qaxay magaalada Bossaso waa mid kala durugsan, waxaana loo sababaynayaa dhawr arrimood. Waa midda koowaade dadka reer Bossaso oo aan u baran xabbad dhacda, adkaysina aan u lahayn dhawaqa rasaasta dhinacyadu is dhaafsanayaan, maadaama Bossaso ay ahayd magaalo nabadeed oo aysan saamayn ku yeelan colaadihii dalka dhacay, dadkeedana ay ku cusubtahay tanoo kale..

Waa midda labaade, hoobiyayaasha habow ah ee sida aan kala joogsiga lahayn ugu soo dhacaya xaafadaha magaalada Bossaso iyo iyadoon la aqoon xilli xal imaan karo ama xabaddi istaagi karto, maadaama dhawr jeer oo hore ay burburtay xabad joojin lagu baaqay, inahaasi iyo kuwa kale oo la xiriira ayaa tiirdhaxaadu ah qaxa baahsan ee dhacay.

Dadka ka barabaxay Bossaso, ayaa si aan qorshaysnayn u bilqan magaalooyinka iyo tuulooyinka u dhaxeeya Bossaso illaa Garowe, waxaana jira tirooyin badan oo ka barakacay magaalada Bossaso oo u bayray tuulooyinka ka leexsan jidka laamiga ah.

Waa xilli adag oo abaaro baahsan ay ka jiraan Puntland oo dhan, dadka lagu qaxay deegaannadoodana ay la tiicayaan duruufo nololeed, kuwo abaareed iyo kuwo biyo la’aaneed intaba, taasoo ka dhigan labo qaawan isma qaaddo, waana dhabarjab labaad iyo qaadanwaa maadaama dadkii sannadaha badan nabadda ku naaloonayey, deegaannadooda loo soo cararay, colaaddana ka caagganaa, hadda dib loogu celiyey casi dagaal, cagobarar gaajo, iyo ka cararid guryahooda. sida caadiga ahna waa labada ugu culus ee laga ducaysto col iyo abaari.

Madaxda maanta ee Puntland iyo dhinacyada muruqa isku taabtay ee masuuliyadaha lagu aaminay, soo ma arkaan nafaha ay malgeen, iyo hooyooyinka iyo aabbayaasha ay murugada badeen? Soo ma arkaan maatada ay barakiciyeen? Soo ma arkaan masiibada ay horseedka u noqdeen? Soo ma arkaan magaalada ay burburiyeen, soo ma arkaan maalka ay khasaarsheen? Soo ma arkaan magaca iyo sumcadda ay waxyeeleeyeen, soo ma arkaàn mugdiga ay nagu cesheen? Ma ahan mid sii socom karta tani, ma ahan macquulgal loo qaateen ah, ma ahan mid ay fili kareen bulshada reer Bossaso, kuwa reer Puntland iyo kuwa kale ee Soomaaliyeed toona. Fadlan miyirku ha shaqeeyo, maskaxduna ha taliso, caqliguna ha maamulo arrinka, oo ogaada waa masuuliyad la idinkula xisaabtamayo tan maanta dhacday, gacan walibana waxay goyso yay leedahay aakhiro iyo adduunba, taariikhduna waa diiwaan aan duugoobin, wixii aad dhigatidna waa dhito kuu kaysan, laguna soo hordhigi doono maalinteeda xumaan iyo samaamba.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com