Golaha Midowga Musharaxiinta oo ku qancay xil-kaqaadistii lagu sameeyay Guddoomiye Cirro

Golaha Midowga Musharaxiinta oo ku qancay xil-kaqaadistii lagu sameeyay Guddoomiye Cirro

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ugu baaqay guddiga doorashada heer federaal iyo guddiga xallinta khilaafaadka in ay si deg deg ah hoggaan u doortaan.

Goluhu wuxuu ku boorrinayay guddiyada in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, kana shaqeeyaan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho hufan oo daahfuran.

Goluhu wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu leeyahay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee loo ballansan yahay 27 Disember.

Goluhu wuxuu rajaynayaa in ay shirka ka
soo baxdo natiijo togan oo lagu toosinayo geeddi-socodka doorashada, laguna dardar gelinayo meelmarinteeda.

Goluhu wuxuu aaminsan yahay in xalka uu ku jiro qabsoomidda doorasho hufan oo daahfuran, taasoo keenaysa
in natiijadeedana la agbalo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com