Ciidamo ka tirsan Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay Magaalada Boosaaso ku xir xireen Qaar kamid ah wadayaasha takaasida, kadib markii lagu eedeeyay in ay warar abeen-abuur ah faafinayeen, si looga barakaco magaalada.
Darawalada la xiray ayaa gaaraya ilaa Saddex, kuwaas oo lagu eedeeyay inay hormuud u ahaayeen khalqal gelinta dhanka Amniga ee Bulshada Magaalada Boosaaso si ay dadka u barakacaan kadibna lacag uga sameeyaan
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare, Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo Shir jaraa’id Warbaahinya ugu qabtay Boosaaso ayaa u digay dad uu sheegay inay ku howlan yihiin wararka been-abuurka ah ee lagu qalqal gelinayo Amniga Boosaaso laguna barakicinayo Shacabka.
Daawo.
COMMENTS