Dowladda Ukrain oo shacabkeeda u sheegtay inay isdifaacaan

Dowladda Ukrain oo shacabkeeda u sheegtay inay isdifaacaan

Ciidamada Ruushaka ayaa qabsaday degmooyinka dhaca caasimadda magaalada Kyinv, sida laga arkayo muuqaalada laga soo gudbay kolonyada dagaalka ee Ruushka oo sii galaya degmooyin dhowr oo caasimadda katirsan.

Madaxwaynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa u sheegay ciidamada Ukarin inay afgambiyaan hogaanka wadankaasi, iyadoona dhanka kalle xukuumadda Ukarin ay ugu baaqday shacabka inay hubka qaataan, waxaana la arkayaa shacab badan oo hubka qaatay.

Ilaa 194 qof oo Ukariniyiin ah ayaa lagu dilay dagaalka oo ay ku jiraan 57 ruux oo rayid ah.

Jaziiradda Badda Madow ee Ukarina ciidamada Ruushka markab dagaala y leeyihiin ayaa xaquuqay ciidamo jaziiraddaasi ku sugan kadib markii ay diidee inay isku dhiibaan Ruushka , waxaana tiradooda lagu sheegay 13 qof.

 

Barakaca ayaa wali socda.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com