Guddiga hirgelinga doorashooyinka heer federaal ayaa maalintii 6aad wada shahaado siinta xildhibaannad labada aqal.
Guddiga hirgelinta doorashasa ee heer federaal ayaa maalinkii 6aad ku hawlan bixinta shahaadooyinka xildhibaannada baarlamaanka labad aqal ee Soomaaliya.
Ku dhawaad 200 mudane ayaa qaatay shahaadada xildhibaannimada iyo kaararka aqoonsiga mudanayaasha labada aqal oo iyana laga bixiyo labada xafiis baarlamaan ee xoghayayaasha guud ay ka hawlgalaan.
Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa marka ay dhammaystaan qaadashada aqoonsiyada loo dhaarin doona xasaanaddooda xildhibaanno, waxaana xigi doono kulan ay ku ambaqaadayaan hawlana dhimman ee doorashada, taasoo ay ugu horrayso dhexdooda in ay iska doortaan qofka ugu da’da weyn, kaasoo isna qaban doona guddigii doorashada guddoon baarlamaan, iyadoo loo sii gudbi doono midda madaxweynaha.
Jadwalka degsan ee baarlamaanka ayaa dhigaya 14ka bishaan in loo xafladeeyo dhaarintooda, maalinkaasi oo ay dhici doonto munaasabad weyn oo lagu martiqaado dhinacayada doorashada iyo beesha caalamkaba.
Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.
COMMENTS