HAWLGalKA ADKAYNTA IYO AMNI SOOCELINTA CAABUDWAAQ.

HAWLGalKA ADKAYNTA IYO AMNI SOOCELINTA CAABUDWAAQ.

9
Degmada Caabudqaaq oo ka tirsan gobolka Galguduud oo Galmudug ah, waxaa ka socda hawlgallo xagga amniga ah, kuwaasi oo wax looga qababayo nabadgalyada cWaaq

Hawlgalkaasi oo ciidamada amnigu fulinayaan waxay daarranyihiin hub-ka-dhis xagga bulshada ah kadib markii degmaadaasi ay ka dhaceen fadqalooyin liddi ku amniga iyo nabadgalyada deegaan.

Illaa dhawr qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay degmada cWaaq todobaadadii la soo dhaafay, mararka qaarna waxaaba dhacday isku hub uruursi labo dhinac ah inkastoo loo maaro hekay mar dambe.

cWaaq, ayaa horay u soo martay marxakado adag oo xagga nabadgalyada ah muddooyin hore, taasoo u badnayd aanooyin iyo urtumo qabiilka dhaxdiisa ah, xilliyada qaarna lahayd wajiyo hubaydan oo labo saf ah.

Arrinkaasi waxaa laga soo doogay, dibna looga soo kabtay kadib markii sannadkii 2018kii uu dhacay isbaddel ballaaran iyo is dhexgal bulsho oo lagu hilmaamay dhibihii bulshada dhexyaallay, xilligaasi oo ahayd markii uu cWaaq booqashada ku yimid madaxweynaha dawladda federaalka Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Ciidamo dawladeed oo isku dhaf, gacan adagna ku qabtay amniga degmadaasi ayaa xilligaasi la unkay, kuwaasi oo wax weyn ka qabtay colaaddii qabiilka, iyo aanooyinkii aan joogsiga lahayn, afkana ka xiray ibtiladii nabadgalyo xumo ee muddada ka taagnayd degmadaasi cWaaq oo ah mid ka mid ah degmooyinka ugu dadka badan gobollada dhexe, ciidankaasi oo gacan weyn ka helayey bulshada deegaanka oo bisayl badan la yimid colaaddii kadib.

Hadda waa xilli kale oo u eg midkii shalay maarada loo helay, ayna siyaadeen dhacdooyinka liddiga ku ah ammaanka, taasoo ka fuftay dhacdooyin kala aar-goosi, inkasta oo aan marna xaalku gaarin messhii horay looga soo qabtay.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com