Axmed Madoobe oo Guddiga FEIT kala hadlay doorashada16 kursi ee Ceelwaaq

Axmed Madoobe oo Guddiga FEIT kala hadlay doorashada16 kursi ee Ceelwaaq

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka.

Kulanka ayaa lagaga hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Magaalada Ceelwaaq oo ay taallo 16 Kursi iyo sidii loo dardar galin lahaa.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u balan qaaday in Jubbaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin intii ay socdaan doorashooyinka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com