Diiwaangelinta Musharrixiinta Guddoonka labada Aqal oo ka socota Muqdisho

Diiwaangelinta Musharrixiinta Guddoonka labada Aqal oo ka socota Muqdisho

Guddiyada doorashooyinka Guddoonka golaha Shacabka & Aqalka Sare ayaa maanta magaalada muqdisho ka bilaabay diiwaangelinta musharrixiinta Guddoomiyeyayaasha labada Aqal & kuxigeenadooda.

Musharrixiinta ugu horreeya ee la diiwaangeliyay ayaa waxaa ay Maanta noqdeen Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) oo u tartamaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Xildhibaan Maxamed Cumar Cali Caano-nuug oo u tartamaya guddoomiye xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Guddiga doorashooyinka Aqalka Sare ayaa dhankooda iyana wada diiwaanelinta musharrixiinta Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo labadiisa kuxigeen oo ay u taagan yihiin musharrixiin farabadan.

Muddo Saddex Cisho ah ayay sacon doontaa diiwaangelinta musharixiinta guddoonka labada Aqal, waxaana ugu soo horreeya doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo la qabanayo 26 Bishaan halka Maalinta xigta ee 27 la qabanayo doorashada Guddoonka Golaha Shacaka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com