Madaxweyne Deni oo Magacaabay Wasiiro cusub

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Wasiiro cusub

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 19ka April 2022 kuna saabsan magacaabid xubnaha Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhammaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn leh ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

Waxaa Maxamuud Caydiid Dirir loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda, Isgaarsiinta,Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha.
Waxaa Cabdullaahi Maxamed Ciise (Qoor dhuub) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com