Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo sheegay in la soo weeraray

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo sheegay in la soo weeraray

Guddoomiyaha KM ee Golaha Shacabka Mudane Amb. Cabdisalaan Axmed Dhabanacad ayaa sheegay inay jiraan caqqabado dhowr ah oo kusaabsan ishor-istaag lagu sameeynayo howlaha doorashooyinka gaar ahaan doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in inay suurto geli weysay ku Shaqeynta Xarunta Villa Hargeysa balse markii ay isku dayeen in Xildhibaannada lagu doortay Ceelwaaq in lagu dhaariyo Teendhada Afisiyooni ay hor-istaageen taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo kuxigeenadiisa.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in markii ay u wareejiyeen dhaarinta Xildhibaannada lagu doortay Ceelwaaq Hotal kuyaalla Garoonka Diyaaradaha la soo weeraray oo la rasaaseeyay , isla markaana intaasi oo dhan loo marayo in aan waxba dhismin oo dalka uusan helin wax dowlad ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha KM ee Golaha Shacabka Mudane Amb. Cabdisalaan Axmed Dhabanacad ayaa sheegay in ay gudanayaan waajibaadkooda Shaqo, isla markaana Maalinta Berito ah iyo Maalinta xigta la kala qabanayo doorashooyinka Guddoonada labada Aqal ee Baarlamaanka 1aad.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com