Rooble oo hambalyo u diray Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Soomaaliya

Rooble oo hambalyo u diray Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaraha xukumadda Xilgaarsinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u diray Guddoomiyaha Cusub ee Caawa loo doortay Barlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Hoos ka akhriso

Waxaan hambalyo iyo bogaadin diiran u dirayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo caawa lagu doortay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Caawa waa habeen taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed sugayeen in muddo ah qeyb muhiim ahna ka ah dhammeystirka geeddi-socodka doorashada dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka waxaan u rajeynayaa in uu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay iyo in doorashada madaxweynaha dalka u maareeyaan si daah-furan, deg deg ah oo nabdoon, mas’uuliyaddaas oo ay la wadaaagaan guddoonka Aqalka Sare oo isagana la doortay.

Waxaa mahad leh Allaha weyn oo noo suurto-geliyay in howlshii adkeyd ee doorashadu soo gaartay heerkan gabo-gabada ah . Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa guddoonkii KMG ahaa ee labada aqal, guddiyadii doorashada heerar-kooda kala duwan, ciidamada ammaanka Dalka iyo kuwa ATMIS, dowlad-goboleedyada dalka, beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed ee dulqaadka iyo taageerada nala garab joogay iyo cid kasta oo kaalin ku lahayd guushan la gaaray.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com