Gabar u Shaqeyneysay mid kamid ah Wasaaradaha Somaliland oo la dilay

Gabar u Shaqeyneysay mid kamid ah Wasaaradaha Somaliland oo la dilay

Askari katirsan Ciidamada Booliska Somaliland ayaa rasaas uu furay waxaa xalay ku geeriyootay Najma Cabdillaahi oo kamid aheyd Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Somaliland.

Falkaan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Maxkamadaha ee Magaalada Hargeysa, waxaana Najmo haleelay dhowr xabadood oo uu Askariga ku riday Gaariga ay saarneyd.

Ciidamada Booliska Somaliland oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta uu falka ka dhacay ayaa durba Gacanta ku dhigay askariga, waxaana saraakiisha Ciidamadu sheegeen inay baarayaan sabaha keenay in askariga uu rasaasta ku rido Gaariga ay wadatay Gabadha geeriyootay.

Falalka dilalka ah oo ay geystaan Ciidamada ayaa aad ugu yar degaannada Somaliland, waxaana badi suurto gasha in hadii uu Askari dilo qof Shacab ah la qabto kadibna Maxkamadaha Somaliland ay u qisaasaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com