Xasan Sh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya afarta sano ee soo socota.

Xasan Sh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya afarta sano ee soo socota.

Wuxuu ku soo baxay cod aqlabiyad ah oo ka badan 210 mudane codkood kadib markii ay wareeggii saddexaad iskugu soo hareen isaga iyo madaxweynihii kursiga sii hayey Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Xasan Sh Maxamuud ayaa horay Soomaaliya uga soo noqday madaxweyne sannadihii 2012 illaa 2017kii oo sidaan oo kale uga guulaystay cod aqlabiyad ah musharraxa uu ka adkaaday caawa ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Madaxweynaha cusub ee caawa la doortay Xasan Sh Maxamuud ayaa isla caawa loo dhaarinayaa xilka madaxweynaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com