Hooyooyin kunool magaalada Caabudwaaq Oo sheegay in carruur ay dhaleen
muddo saddex sanno ah ay uga maqan yihiin dalka Eritrea ayaa codsaday
in dib loogu soo cesho carruurtooda.
Hooyooyinkaan ayaa sheegay in ay maqleen in carruurtooda markii
doorashadu dhacday ay kabaxsadeen xeradii ay kujireen sida ay
sheegeen, Qaarkood ayaa sheegay in sidii loo qaaday carruurtooda aysan
wax war ah ka helin.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayay ka
codsadeen in carruurtooda uu dib ugu soo cesho.
COMMENTS