Wafdi ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Federalka Soomaaliya Dr.Fawziya Abikar Nur ayaa waxay ka qayb galayaan Shirweynaha Sanadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka oo ka furmay magalada Geneva ee Dalka Switzerland maalinti Axadii ee 22 Bisha May, 2022.
Shirka oo sanadkan halku dhig looga dhigay “ Nabaddu waa Caafimaad, Caafimaadkuna waa Nabad” ayaa wuxuu muddo dhawr maalmood ah ka socon doonaa magalada Geneva.
Wafdiga ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa waxay shirka kusoo bandhigi doonaan guulaha la taaban karo ee ay Wasaaraddu ka samaysay dhanka hormarinta iyo dib u dhiska nidaamka Caafimaadka Dalka.
Guulahan oo noqday kuwo tusaale looga dhigi karo wadamo baddan oo ku yaala dunida kuwa ku jira wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo ayaa Soomaaliya ka dhigaya wadan sameeyay is bedallo la taaban karo ee dhanka Nidaamka Caafimaadka!
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee somaaliya iyo Wafdi ay hogaaminayso ayaa waxay ka qayb galayaan Shirweynaha Sanadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka oo ka furmay magalada Geneva ee Dalka Switzerland
COMMENTS