Ergeyga arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta

Ergeyga arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa kulan la yeeshay Safiirka  Dowladda Imaaraadka Carabta

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Danjire Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, waxuu muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaas kaddib Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

Ugu dambayn, Ergeyga ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ay halakeeyeen abaaraha, gaar ahaan deeqdii lacageed ee maalmo kahor ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com