Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kulan la qaatay Masuuliyiin kasocda dowladaha Finland iyo Norway.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kulan la qaatay Masuuliyiin kasocda dowladaha Finland iyo Norway.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe kulan kula qaatay Wefdi ka socday Safaaradaha dowladaha Finland iyo Norway.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen xaalada guud ee Abaaraha deegaanada Puntland, xoojinta taageerada dhinaca waxbarashada ee ay Puntland siiyaan dowladdaha Finland iyo Norway, Maamul baahinta iyo Dimuqraadiyada.

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa mas’uuliyiinta dowladaha Finland iyo Norway uga mahad celiyay taageerada ay la garab taagan yihiin isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Pubtland ayaa kamid ah meelaha ay xiligaan kajirto abaarta daran, waxaana weli jirin gurmad Puntland uga yimid Beesha Caalamka.

Diwaanka Wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com